Wargeyska Gobollada Dhexe - Febraayo 2015

Page 1

Qiimaha 3000 Sh, So

WARGEYS BILLE AH, KANA SOO BAXA MAGAALADA DHUUSA MAREEB Axad, 01 febraayo 2015, Cadadka 023-aad, Sanadka 2-aad

MAXAA CUSUB?

DHISMAHA DEKAD CUSUB OO LAGA BILLAABAY GOBOLKA MUDUG

Xarardheere: Shirkadda Bartamaha Soomaaliya oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed ayaa deegaanka Faax oo qiyaastii 50km dhinaca waqooyi ka xigta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ka ka bilaabay dhisme dekadeed, iyadoo halkaasi la geeyay gaadiid culus iyo mid fududba. Nabadoon Xaaji Xuseen Diiriye oo ka mid ah waxgaradka deegaanka ayaa sheegay inay aad u soo dhawaynayaan in maalgalin waxtar leh lagu sameeyo deegaanka, isagoo sheegay inay kaalintooda ka qaadanayaan sidii uu mashruucan ku guulaysan lahaa. ....ka sii akhri bogga 2aad.

© Xogsom Media

DHALLINYARADA DHUUSA MAREEB OO MARTI GALINAYA DHALLINTA WAQOOYIGA GALGUDUUD

QORAALLO KALE HORUMARINTA GANACSIGA & HAGAAJINTA BADEECADDA WAA HEYBADDA DHAQAALAHA BULSHADA W/Q: Layla Qaali C/llaahi ...ka akhri bogga 5aad.

Dahar Dheer: Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay ayaa ka dhacday Villa Barwaaqo oo ah halka loo asteeyay in lagu qabto shirka maamul-u-samaynta goballada Mudug iyo Galguduud. Xafladda oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Dhallinyarada Dhuusa Mareeb, ayaa u jeedadeedu ahaa in soo dhaweyn iyo farxad loo muujiyo dhalinyarada ka timid Caabuduwaaq, Balanballe, Dhabad iyo deegaanno kale oo

dhaca waqooyiga gobalka Galguduud. Madasha Xafladda soo dhaweyntu ka socotay ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyaha gobalka Galguduud Xuseen Cali Wehliye “Cirfo”, guddoomiyaha degmada Dhuusa Mareeb Macallin C/raxmaan Cali Maxamed “Geedo-Qorow”, bahda fanaaniinta Xidigadaha Galguduud, xubnaha ururka dhalinyarada Dhuusa Mareeb...... ka sii akhri bogga 3aad.

LA QABSO ISROG-ROGGA DANAHAGA! W/Q: C/raxmaan Faarax Xaashi (Cawaale) ...ka akhri bogga 5aad.


Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.