Image

“MURUGO” Tix aan ugu baroordiiqay Abwaan Gaarriye

Geeridu waa xaq, qof nolol ku waaraya ma jiro, in la wada dhimanayana uma baahna wargalin iyo ogaysiis. Marka laga soo tago rumayn Diimeed iyo Caqiido, geeridu waa fal hortaada yaal, oo aadan uga baahnayn in laguu macneeyo ama laguu qeexo.
Haddana, qof walba oo geeriyooda ama dhinta isku si uma saameeyo dadka, qof walba meesha uu uga jiray bulshada ayaa lagu maamuusaa, maxaa yeelay dadku isku mid ma ahan, mana sinna dhan walba.
Maanta midda aan duljoognaa waa geeri naxdin iyo qarracanba wadata, maxaa yeelay qofka naga baxay qiimihiisa iyo qadarka uu nagu dhex lahaa baa ah mid aan laga samri karin, waana midda igu qasabtay inaan tixdan yar ugu baroordiiqo Abwaankii Bulshada, Abwaan Maxamed Xaashi Dhammac “Gaarriye” oo ku geeriyooday waddanka Norway. Waxaan ehellada Abwaanka, suugaanyahannada iyo umadda Soomaaliyeed ba uga tacsiyeynayaa geerida Abwaanka ku timid, Eebbana ugu baryayaa inuu naxariistiisa ugu deeqo.
Warka yaanan idinku badin, ee aan idiin soo gudbiyo tixdan aan ku magacaabay: “Murugo!”” waana tane, ka bogasho wacan:

Maansada: “Murugo!”

Markaan daayo maansada
Muraadkeeda dhaafoon
Milicsado dantaydoo
Masjidyada agtoodiyo
Mawlaca aan laasimo
Ama aan mashquul iyo
Mashaariicda dunidaan
Mid uun aan ku maqanahay
Mashaqada adduunyadu
Kaama dayso muhashiyo
Arrin aad la maagto.

Mina subax anoo kacay
Minankayga joogoo
Mareegaha aqrinayoo
Wixii maanta dhacay iyo
U muraaday xaalkood
Mudh waxaan ku soo iri:
Inuu Maxamed (1)go’ayoo
Gaarriye (2)Marxuum yahay
Mise qaadan waayo
Maankaygu diidyoo
Ilaa aan mar iyo laba
Magaciisa ka hubsaday
Meelo badan ka daalacay
Madaxayga kama degin
Macnahoo i dhacay baan
Dhawr jeer ka maagoo

Musiibada dhacdaa wayn
Umaddana mugdaa galay
Musbaaxiina wuu damay
Durdurkeedi maansada
Micniihiisa Geeraar
Mucda Gabaygu leeyahay
Maaxdoodii naga gure!

Noloshaaba murugiyo
Farxad ama macaan uun
Ku dul meerta labadaa.

Midbaa dhiman midbaa dhalan
Mid kalaa Sabool noqon
Midna waaba Taajiri!

Maadi way dhammaatoo
Maaweelo may harin
Murugaa dig soo tiri
Oo timid Maqaamkii
Inna aanan magangalin
Dhaqankiina waa Madi.

Macallinkii Bulshada iyo
Maansada Abkeedii
Ma halyeey ayaa baxay?!
Maaniye miyaa tagay?!
Maantana ma Gaarriye(3)
Ayaa Mawdku joogaa!
Mushteeg (4)iyo safkii hore
Iyo mu’allifiintii
Ayaa wali ku sii maqan!
Maalmaha is dabayaal
Marna nooma roonayn.
….
Maahmaah ayaa dhihi
Mawdkuba siduu yahay
Midka Macangaggaa iyo
Geeljire ayaa mudan!

Inta doqon magaalada
Muraad li’i u joogtee
Manfac aanan lagu qabin
Macno aanan lagu hayn
Mooryaanta muu dilo
Hal hal muu u beegsado
Margiyada ka gooyoo
Saf mareen u wada jaro?!

Murti baa mar hore tiri
Meeshaad ku nooshahay
Ka soo muuqo waligaa
Ama waa maqnoow abid
Marxuumkaa inga tagay
Waa Manaaraddeennii
Muuqaalka Soomaal
Ruux meteli karaa jirin
Ayuu noola meel yahay!

Mar hadduuse Gabay iyo
Geeraarro miidiyo
Noo reebay Maahmaah
Murti ay la jaal tahay
Arday uu u mariyee
Madrasooyin kiciyee
Masalooyin uu qoray
Gaarriye ma dhimanine
Waa dhuuntay Malaheey!

Miisaanka maansiyo
Meeqaamka Gabay iyo
Suugaan mireynteed
Ayuu maab u jeexoo
Mabda’eed hirgaliyoo
Manhajkeeda dhigayoo
Noo reebay marag qoran
Gaarriye ma dhimanine
Waa dhuuntay Malaheey!

Gar-naqsiyo (5) Maddacaale(6)
Madax Goodi (7) iyo Dood
Fadgalbeed (8)Mandeelliyo(9)
Mabda’ Madaacalay
Mahadhooyinkiisii
Maansooyin kala mudan
Mar haddu inoo dhigay
Gaarriye ma dhimanine
Waa dhuuntay Malaheey!

Waxba yaan muquurine
Miyirkaygu teginoo
Gocoshada ku maahine
Mawloow darkaagiyo
Marxuumkaa Fardawsiyo
Malagyada agtoodiyo
Marinkii Jannada iyo
Maqaam gaara gaarsii!

Aamiin.

Dhammaad.
01/10/2012
Eray bixin:

(1,2,3) Waa Abwaan Maxamed Xaashi Dhammac “Gaariye” (AUN)
(4) Waa Abwaan, Fannaan, Laxamiiste, Heesaa: Faysal Cumar Mushteeg (AUN) oo bishii tagtay geeriyooday.
(5) Waa maansadii: Gar-naqsiyo
(6) Waa maansadii: Maddacaale
(7) Waa maansadii: Madax Goodi
(8) Waa maansadii: Fadgalbeed
(9) Waa maansadii: Mandeelliyo
Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com