Wargeyska Gobollada Dhexe - Agoosto 2014

Page 1

Qiimaha 3000 Sh, So

WARGEYS BILLE AH KANA SOO BAXA MAGAALADA DHUUSA MAREEB Jimco, 01 agoosto 2014, Cadadka 017-aad, Sanadka 2-aad

CABDIQAADIR AROMA: CODKAR IISHAY

Laba todobaad ka hor geeridiisa ayaa maqalka codkiisa iigu dambaysay, inkastoo xanuunno iyo juucjuuc hayeen, haddana, isma lahayn maqalkaa ayaa kuugu dambayn doona, oo runtii aan quuddarraynayey in maalin uun aan kulanno, oo xitaa aan filayey is moodsiinayey isla sanadkan dhexdii....ka sii akhri bogga 2aad.

QORAALLO KALE RW C/WELI OO LA EEDEEYAY ...ka akhri bogga 3aad.

GAARI IYO DAD WALXAHA QARXA WATAY OO LA QABTAY ...ka akhri bogga 3aad.

WASIIRRO HIIRAAN KULA KULMAY BEELO DIRIRAY ...ka akhri bogga 3aad.

RUN MISE BEEN! Qeybtii 4aad W/Q: Axmed Xaayow ...ka akhri bogga 4aad.

GOBOLLADA DHEXE OO LAGA IIDAY TALAADO

XIMAN IYO XEEB: HESHIISKII XAMAR WAA SHIRQOOL

WAA MAXAY BAAHIDA LOO QABO MEHERADDA GANACSIGA? W/Q: Laylo Qaali Cabdullaahi ...ka akhri bogga 4aad.

SAAMEYNTA MAAMULKA KU LEEYAHAY QEYBAHA NOLOSHA W/Q: Maxamed Axmed Xaashi ...ka akhri bogga 5aad.

Maamulka Ahlusunna ee gobollada dhexe Soomaaliya ayaa 29/07/14 ku dhawaaqey inay CIID tahay, ee 1-da Ciidul Fidriga, xili maalinimadii 28/07/2014 laga wada ciiday Dalka intiisa kale. Goobaha laga ciidayo ayaa waxaa ka mid ah (Dhar Dheer) Dhuusa Mareeb, Guri Ceel, Caabadwa....ka sii akhri bogga 2aad.

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa qaadacay heshiiskii maamul u sameynta gobollada dhexe, oo arbacadii 30ka bishii luulyo lagu qabtay xarunta madaxtooyada Soomaaliya. C/llaahi Cali Maxamed (Baarleex), madaxweynaha Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in heshiiskaasi uusan aheyn...ka sii akhri bogga 2aad.

SIDEE LOOGA HORTAGAA KOLERA?

W/Q: Maxamed Cali Axmed ...ka akhri bogga 6aad. Kala xariir: midnimodesigns@gmail.com

Wixii talo, aragti iyo su’aal ahba, u gudbi: Madaxa Wargeyska: Bashiir M. Xersi (brdiraac@hotmail.com) ama Tifaftiraha: Maxamed Midnimo (w.g.dhexe@gmail.com).


2

Cadadka 017-aad, Sanadka 2-aad

WARARKA

Jimco 01, agoosto 2014

CABDIQAADIR AROMA: CODKAR IISHAY W/Q: Maamulka Wargeyska | w.g.dhexe@gmail.com Laba todobaad ka hor geeridiisa ayaa maqalka codkiisa iigu dambaysay, inkastoo xanuunno iyo juucjuuc hayeen, haddana, isma lahayn maqalkaa ayaa kuugu dambayn doona, oo runtii aan quuddarraynayey in maalin uun aan kulanno, oo xitaa aan filayey is moodsiinayey isla sanadkan dhexdiisa, waa se saayoo ma dhicin, Allana ma qaddarin. Qoraa sare C/qaadir, Alle ha u naxariistee ayaa ku geeriyoodey carriga Ingiriiska gaar ahaan caasimadda London 16/07/2014, waxaana uu ismaqalkeennii u dambeeyey igu yiri hadal u dhigma; “Labada dhinac ta roon Alle ha ii kaso!” oo Alle u aqbalay ducadiisa, ee Alle ha ugu deeqo naxariistiisa iyo jannooyinkiisa waaweyn. Qoraa sare C/qaadir waxaan bartay asoon i aqoon, waxaan aqaannay asoon i ogayn, balse, waxaan si rasmi ah isu barannay laba sano ka hor, oo aan fursad iyo ayaan u yeeshay inaan si aan fool ka fool ahayn u kulanno, sheekana wadaagno, oo ku siman maqal, aan muuqaal lahayn, saa ismaba aannaan dhihin oo ahmiyad gaar ah ma aannaan siin aragga iyo muuqa. Qoraa sare Cabdulqaadir Aroma qoraalladiisa ugu horreeyey waxay shaacbaxeen billowgii sagashamaadkii, qoraallada ugu xiisaha badnaa ee bulshadu ku baratey sheekooyinkii caanka noqday, ee uu ku soo bixin jiray Wargeyska Xog-ogaal,

oo Muqdisho ka soo bixi jiray, ayna ka midka yihiin: • Salaamullaahi Calal Xujaaj: sheeko taxane ahayd - Wargeyska Xog-Ogaal • Dahabo Toolmoon & Dhagaxkariye: sheeko taxane ahayd • Beesha Toban Kunley: sheeko taxane ahayd - Wargeyska Xog-Ogaal Ku dhawaad toban sano kadib, ayaan fursad u helay inaan sal iyo muggeed u aqriyo, una daalacdo si deggan afartiisa buug ee kala ah: 1. Sababihii Burburka Soomaaliya (1999) 2. Sooyaalka Soomaaliya (1999) 3. Tiirka Colaadda (2002) 4. Hadimadii Gumeysiga iyo Halgankii Ummadda (2005) iyo dhawaan oo aan aqriyey buugga Taangiga Tigreega (2008) Buugaagtiisa ayaa run ahaan wax ka badalay, noloshayda aqooneed, ogaal, feker, aragti ee guud ahaan la xiriirta sooyaalka, dhaqanka, siyaasadda iyo awood qeybsi ee Soomaali. Qoraa sare C/qaadir Aromo wuxuu ii ahaa Bare aan i bar garanayn, macallin aan i muuqaal aqoon iyo hage aan i hummaag kasayn. Wuxuu ahaa bare aan i canaanan, macallin aan i indha kuurin iyo tuse aan i tumin.

Ololaha aqris iyo qoris la’aanta oo socda

Qoraa sare Cabdulqaadir Cusmaan Maxamuud “Aromo” wuxuu ku dhashay magaalada Dahar Dheer (Dhuusa Mareeb) ee xarunta gobolka Galguduud (Gobollada Dhexe Soomaaliya) qiyaastii sanadku markuu ahaa 1953 isagoo 10jir ah ayuu Xamar yimid, halkaana ku qaatay waxbarshada aasaasiga ah ilaa tan sare heer jaamacadeed. Sanadku markuu ahaa 1970kii wuxuu noqday shaqaale dawladeed, sidoo kalena wuxuu qabtay xilal iyo darajooyin kala gaddisan, kana soo shaqeeyey hay’ado badan. Wixii ka dambeeyey 1991, wuxuu ahaa ganacsade, iskiis u shaqaysta, wuxuuna waqtigiisa badan geliyey, uruurinta iyo raadraaca Sooyaalka Umadda Soomaaliyeed, dhinac walba, isir, dhaqan, hidde, siyaasad iyo diin. Sida Aromo waraysi uu ku sheegay wuxuu qoraalka iyo aruurintiisa billaabay sanadihii sideetameeyadii, wuxuuna daba gal badan kadib qoraalka billaabay sanadihii sagaashameeyadii. Sida ku cad buugta uu qorey iyo sheekooyinkiisa wuxuu sameeyey, raadraac dal iyo dibadba ah, waxay Umadda Soomaaliyeed tahay, ahayd iyo halkay taagan tahayba. Naf walba maalinteed ayey go’aysaa, goorteeda gallin kama daba marto, oo waa la wada geeriyoonayaa, haddana, la ye; “Geeriye, Geeljire iyo waxay ku roon tahay qof aadan aqoon”. “Maahmaah ayaa dhihi Mawdkuba siduu yahay Midka Ma-

Ilaahoow casiisow Adaan kuu cataabaye Kuu cabanayaa kali Casar weeye goortuye Waa ayaamo caamiyo Casharrada dhaxaysee Bisheennii cuddooneey Ramadaanul caafiya Cabdiqaadir Eebboow Aqbal camalka kiisa ah Cafi qalad hadduu galay Jannadaada ku casuun Nabiyadii carfoonaa Casiisow darkoodii Iyo xawdka ka cabsii Ceelashii Fardawsiyo Wabiyadii cagaarnaa Rabbiyoow Casiisoow Carfigooda nagi gee. Macluumaad kale ka sii akhri bogagga 7aad iyo 6aad.

Ximan iyo Xeeb: Heshiiskii Xamar waa shirqool loo dhigay shacabka Gobollada Dhexe Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa qaadacay heshiiskii maamul u sameynta gobollada dhexe, oo arbacadii 30ka bishii luulyo lagu qabtay xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Sidaan cadadkii hore ee bishii luulyo idiin kugu soo gudbinnay olole looga hortagayo jahliga, aqris iyo qoris la’aanta ayaa ka billowday deegaannada miyiga ee gobollada dhexe. Ololahan ayaa loogu tala galay in lagu horumariyo aqrinta iyo qorista, waxaana loogu magac daray ‘OLOLAHA LA DAGAALLANKA AQRIS IYO QORIS LA’AANTA’ oo ay fulineyso hay’adda waxbarashada iyo horumarinta ee Iftiin. Waxaan cadadka bishan agoosto idiin kugu soo gudbineynaa sawirrada kore oo ku tusinaya qaabka ololahaasi u socdo.

cangaggaa iyo Geeljire ayaa mudan!” Waxaa tacsi tiiraanyo leh u dirayaa hal abuurka iyo bahda qalinleyda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan ehellada, xigtada iyo qaraabada uu ka baxay Alle ha u naxariiste Cabdiqaadir Cusmaan Maxamuud “Aromo”, oo run ahaantii geeridiisu ii ahayd NAXDIN, umaddana u ah nuxuus iyo nal ifkii baqtiyey, qorrax dhacday, gabbal dumay iyo dayax damay. Allow naxariistaada iyo jannaadaada ugu deeq. Aamiin. Haddaba, anoo dareenku i dikaamayo, ayaan eraydan yar dareershay, ee dibnaha ila marsha idinkoo mahadsan.

C/llaahi Cali Maxamed (Baarleex), madaxweynaha Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in heshiiskaasi uusan aheyn mid lagu mideynayo umadda g/dhexe. Baarleex ayaa sheegay in kulankii ka dhacay madaxtooyada Xamar aysan ka soo qeyb galin dadka ay ka

go’do talada aayaha gobollada dhexe, isagoo sheegay in gogosha shirka maamul u sameynta gobollada dhexe ay taallo magaalada Cadaado.

Kulankii ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee looga arrinsanayay maamul u sameynta gobollada dhexe ayaa ku soo aadaya, xilli ay socoto qaban-qaabada shirka maamul u sameynta gobollada dhexe, kaas oo lagu qabanayo magaalada Cadaado.


WARARKA

Jimco 01, agoosto 2014

Cadadka 017-aad, Sanadka 2-aad

Wasiirro gaaray gobolka Hiiraan, lana kulmay beelo dagaallamay Wafdiga ka socda xukuumadda fedaraalka ayaa socdaal ku tagay gobolka Hiiraan, kulanna la qaatay hay’adaha ka howlgala gobolka, si ay gacan uga geystaan dib u soo celinta qoysaska ka barakacay dagaallada ka dhacay deegaanka Deefoow ee gobolka Hiiraan.

hay’adaha samafalka ayaa tilmaamay inay diyaar u yihiin sidii ay teendhooyin ugu qeybin lahaayeen qoysaskii ku guryo beelay dagaalladaa, isla markaana ay ka shaqeynayaan sidii qoysaskaa dib loogu soo celin lahaa deegaannada ay markii hore ka barakaceen.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha mudane Cabdiraxmaan Maxamed Saalax Bankax, wasiir ku-xigeenka ganacsiga mudane Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan iyo mas’uuliyiin kale oo la socotay ayaa kulan ay la qaatay mas’uuliyiinta hay’adaha samafalka u jeediyey ahaa sidii ay dib u dejin loogu sameyn lahaa qoysaska ku barakacay dagaal malleeshiyo beeleedyo dhawaan ku dhexmaray deegaanka Deefoow.

Wafdigan xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jira sidii ay u soo afjari lahaayeen labo malleeshiyo beeleedyo ku dagaallamay deegaanka Deefoow ee gobolka Hiiraan, iyagoo kulammo horudhac ah la yeeshay odoyaasha dhaqanka ee beelaha halkaasi ku dagaalamay.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo goobta hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay inay diyaar u yihiin sidii ay guddiga ka socda dowladda dhexe ee dalka ay u gala shaqeyn lahaayeen joojinta khilaafka sababay gacan ka hadalka, iyagoo xusay inay oggolyihiin in la heshiiyaan dhanka kale ee walaalooda, lana xalliyo wax kasta oo dagaalku sababay.

Wasiirrada iyo wafdiga kale eek u wehliya socdaalka ayaa kulan la qaatay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beel ka mid ah beelaha ku dagaal-

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa saraakiil ka tirsan ciidanka Jabuuti ee AMISOM iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta

lamay deegaanka Deefoow, waxaana kulanka looga hadlay sidii dib u heshiisiin dhab ah loo kala dhexdhigi lahaa beelaha Walaalaha ah ee wada deggan, isla markaana wax kasta lagu xallin lahaa wada hadal.

Gobollada Dhexe oo laga iiday Talaado Maamulka Ahlusunna ee gobollada dhexe Soomaaliya ayaa 29/07/14 ku dhawaaqey inay CIID tahay, ee 1-da Ciidul Fidriga, xili maalinimadii 28/07/2014 laga wada ciiday Dalka intiisa kale. Goobaha laga ciidayo ayaa waxaa ka mid ah (Dhar Dheer) Dhuusa Mareeb, Guri Ceel, Caabadwaaq iyo qeybo ka mid ah magaalada Gaalkacyo, halka maalintii ka horraysay degmada Cadaado iyo Deegaanno kale oo ka tirsan Galguduud laga ciiday.

Sheekh C/risaaq Xuseen Alashcari oo shacabka kula hadlay degmda Guri Ceel ee gobolka Galguduud ayaa ka hadlay Arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin dagaalka Al-shabaab iyo Maamulka laga dhisayo gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Dhanka kale, guddoomiyaha Golaha Fulinta Ahlusunna Alashcari ayaa sidoo kale soo hadal qaaday maamulka laga dhisayo gobollada dhexe ee Dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in RW C/wali aysan waxba ka galin maamulka gobollada dhexe, kuna sheegay hadlkii dhawaan ka soo baxay mid gardaro cad ah.

Al-ashcari ayaa sheegay in Ahlusunna ay sii wadeyso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo ay ka saarayaan qeybaha ay Iid wanaagsan dhammaan Galguduud kaga sugan yihiin oo aqristayaasha iyo macaamiisha ciidamada Ahlusunna ay u diyWargeyska Gobollada Dhexe. aar garoobeen.

RW C/weli oo lagula taliyay inuu faraha kala baxo arrimaha G/dhexe Afhayeenka guddiga qabanqaabada shirweynaha mideynta maamullada G/dhexe Cuuke Xaaji C/raxmaan ayaa hadalka ka soo yeeray RW Soomaaliya C/wali Sh. Axmed ku tilmaamay mid aan hadal masuul lagu tilmaami karin.

laga rabaa inay iyaga ka timaaddo wixii maslaxad u ah, waxa aysan ayagu rabinna cidna kuma qasbi karto (...) Qorshahaas waa riyo qaraw” ayuuna ku daray Afhayenku.

“Dad mar hore tashaday oo heshiiyay, miyaa maamul loo “RW C/weli faraha ha kala baxo! sameeyaa” ayuuna is weydiiyey, Asaga uma taalo Maamul u isagoo RW ku tilmaamay inuu sameyneynta Gobollada Dhexe” dano kale leeyahay. ayuu yiri afhayeenku. Hadalka aan laga fiirsan, ee xil“Deegaan walba dadkiisa ayaa liga xun lagu soo aaddiiyey ayaa

dad badan oo deegaanka ah u arkeen in uu yahay mid caqabad ku ah shirka loo ballansan yahay 05/08/2014, lana doonayo in lagu kala geeyo dadka. Warkan qalloocan ee RW ka soo yeeray, ayaa ujeedkiisu ku tilmaamay afhayeenku fidno hurin iyo fadqaqallo abuurid. Wuxuuna hadalka ku soo xiray; “Waxaan leenahay: C/weli faraha ha kala baxo arrimaha Gobollada Dhexe!”

MAAMULKA & QORAYAASHA WARGEYSKA Axmed Xaayow (Dulmidiid), Maxmed Cali Axmed, Layla Qaali Cabdullaahi, Yuusuf Wayeel, Bashiir M. Xersi, C/raxiin H. Galayr, Maxamed Axmed Xaashi iyo Maxamed B. Midnimo. Ma tahay qoraa, oo ma dooneysaa inaad nala shaqeyso? Noogu soo dir codsigaaga w.g.dhexe@gmail.com

3

Gobollada Dhexe oo lagu qabtay gaari iyo dad walxaha qarxa watay Ciidanka ammaanka ee degmada Guriceel ee gobolka Galguduud ayaa gacanta ku dhigay gaari ay saarnaayeen afar jawaan oo ay ku jiraan baaruudda loo isticmaalo qaraxyada. Taliyaha saldhigga booliska Guriceel Gallad Maxamuud Qeelye oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay in gaariga uu ka yimid dhanka degmada Dhuusa Mareeb, kuna wajahnaa Guriceel, wuxuu sheegay inay gacanta ku hayaan ninkii watay gaariga iyo labo nin oo xiriir la leh, oo laga qabtay gudaha magaalada, isla markaana ay ku socdaan baaritaanno, cadaaladdana la hor keeni doono. Dhanka kale, wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegay in lagu qabtay nin watay waxyaabaha qarxa. Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Aweys Cali Siciid ayaa sheegay in ciidamadu ay heleen xogta ah in mid kamid ah xaafadaha Gaalkacyo ee dhanka Galmudug uu ku jiro nin wata waxyabaaha qarxa, kadibna ay gacanta ku soo dhigeen. Aweys Cali Saciid ayaa intaa ku daray in ninka watay waxyaabaha qarxa lagu hayo xabsiga dhexe ee maamulka Galmudug ee koofurta magaalada Gaalkacyo. Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyey shacabka ku nool magaalada Gaalkacyo sida ay ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka, isla markaana xogta u soo siiyeen ciidamada Galmudug. Ciidamada ammaanka maamullada kala duwan ee ka jira gobollada dhexe ayaa laga dareemayaa foojignaan dheeraad ah oo ka duwan tan bilaha kale ay aad u qabaan.

HALKAAN KU XAYAYSIISO GANACSIGAAGA, OGEYSIISYADAADA, CODSIYADAADA IYO WIXII KALE OO AAD JECLAAN LAHEYD. NAGALA SOO XARIIR: w.g.dhexe@gmail.com


4

Cadadka 017-aad, Sanadka 2-aad

QORAALLADA WARGEYSKA

Jimco 01, agoosto 2014

RUN MISE BEEN?! | Q4AAD W/D: Axmed Xaayow (Dulmidiid) Sheeko ka hadleysa nolosha haasaawaha dhallinyarada. Labada Hooyo waxay isla garteen in arrinta lala sugo intay Khadiija ka baxeyso imtixaanka Dugsiga Dhexe markaana loo gudbiyo Khadiija iyo Aabbaheed halkaana lagu bixiyo Khadiija. Arrinta doonashada Khadiija markii la gaaray ayuu waagu ku baryay Bashiir iyo Khadiija oo diidmadeedi ay socon weyday, kadib markey hal dhinac ka soo wada jeesteen Hooyo iyo Aabbe oo wada jira, kaalma kasta ay weydiisatay Aabbaheedna way ka weyday, waxaana sabab u ahaa inuu ku ixtiraamaayay Khadiija Hooyadeed si aanu xiriirkoodu dib ugu xumaanin. Bashiir howl wanaagsan oo u qabtay reerka ayaad mooddaa inuu ku waayay Khadiija oo uu Aabbaheed la safan lahaa haddii uu xiriirka hooyadeed aanu wanaagsanaan laheyn, wallow aanu Bashiir ka shallaaynin wanaaggii uu kula talin jiray qofkuu damacsanaa inuu mustaqbalka ka dhigto, wuxuu u arkaayay geed uu abuuranaayo si uu u harsado. Khadiija waxaa calfaday Cali Nuur habeenka arooskoodana Bashiir waxaa saarnaa buste weyn, asagoo ka xun in beertuu abuuray uu miraheeda guranaayo wiilki u istaagi jiray jiirooyinka

xaafadda. Cali Nuur si sahlan kuma harin, wuxuu ku mintiday inuu gacanta ku dhigo Khadiija, oo markaan intii hore ka sii qiima badan. Ammaanteeda waxay gaartay reeraha oo dhan, taas oo Cali Nuur ku dhiirrigelisay inuu hooyadiis u adeegsado inay uga doonto walaasheed oo ah Khadiija hooyadeed, taas oo noqotay fursadda uu ku heli karo, nasiib wanaagna uu ku helay inuu weydiishada uga hor maro Bashiir oo qorshihiisu ahaa inuu doonto markuu dugsiga sare ka baxo. Labada hooyo waxay isla garteen in arrinta lala sug labada Hooyo waxay isla garteen in arrinta lala sugo intay Khadiija ka baxeyso imtixaanka Dugsiga Dhexe markaana loo gudbiyo Khadiija iyo Aabbaheed halkaana lagu bixiyo Khadiija.

Aabbaheed la safan lahaa haddii uu xiriirka hooyadeed aanu wanaagsanaan laheyn, wallow aanu Bashiir ka shallaaynin wanaaggii uu kula talin jiray qofkuu damacsanaa inuu mustaqbalka ka dhigto, wuxuu u arkaayay geed uu abuuranaayo si uu u harsado. Khadiija waxaa calfaday Cali Nuur habeenka arooskoodana Bashiir waxaa saarnaa buste weyn, asagoo ka xun in beertuu abuuray uu miraheeda guranaayo wiilki u istaagi jiray jiirooyinka xaafadda.

Arrinta doonashada Khadiija markii la gaaray ayuu waagu ku baryay Bashiir iyo Khadiija oo diidmadeedi ay socon weyday, kadib markey hal dhinac ka soo wada jeesteen Hooyo iyo Aabbe oo wada jira, kaalma kasta ay weydiisatay Aabbaheedna way ka weyday, waxaana sabab u ahaa inuu ku ixtiraamaayay Khadiija Hooyadeed si aanu xiriirkoodu dib ugu xumaanin. Bashiir howl wanaagsan oo u qabtay reerka ayaad mooddaa inuu ku waayay Khadiija oo uu

“Waxaad fiirisaa wiilasha dubnadda ku cayaaraaya miiska, midka u soo jeeda dhanka albaabka biibitada, oo wata shaarka leh diilimmaha gacaarka iyo gaduudka ah” isla markiiba Bashiir wuxuu insha ka buuxsaday wiilki loo tilmaamay, markaa kadib ayuu Yusuf intuu la dhaqaaqay oo ay fadhiisteen derbi yar, u sheegay inuu yahay wiilka saaxiibka la ah Habboon. Isla markiiba wadnaha Bashiir wuxuu billaabay garaac xoog badan, kadibna wuxuu Yusuf u

Biibito ay dhallinyarada xaafadda isugu yimaadaan habeenki, ayuu Bashiir kula kulmay saaxiibkiis Yusuf, oo markuu isha saarayba gacanta ku soo dhegay, markuu bannaanka biibitada ula baxay ayuu Yusuf yiri;

raaciyay siduu ku ogaaday oo aheyd inuu wiilka laftiisa u sheegay inay wada socdaan Habboon asagoo ka codsanaayay inuu kala hadlo khilaaf soo kala dhexgalay aawgii. Bashiir oo intaa aamusnaa ayaa yiri; “Waa mahadsan tahay saaxiib sidaad warbixinta iigu keentay” Yusuf ayaa hadalki uga dhexgalay; “Sug saaxiib weli kuuma dhammeynine” una sii raacshay; “Markuu erga ahaanta ii dirsaday ayaan u tegay Habboon si aan u sii xaqiijiyo warka runtiisa, markaan kala hadlayna waxay igu tiri; (wiilkaas waa iskala hadli jiray maahane wax naga dhexeeyo ma jirin) markeey ku adkeysatay inay waxba ka dhexeyn ayaan ku iri; wuxuu ii sheegay inuu ku jecel yahay wuuna ii soo kaa dirsaday, waxay tiri; (waan ogahay taas oo mar kasta aan suuqa u aado adeegga ayuu ii sheegaa, laakiin, dhowrgoor oo aan niyadda u dhisaayay ayaan wada kulannay, haddana waan u sheegay mowqifkeeyga)” Markuu Yusuf hadalka intaa marinaayo ayuu Bashiir niyadda iskala hadlay oo is yiri; “Sheekadu u ekaa tii Khadiija iyo Cali Nuur” kadib wuxuu ku soo baraarugay Yusuf oo leh... La soco qeybta 5aad ee sheekada.

Waa maxay baahida loo qabo meheradda Ganacsiga? W/Q: Laylo Qaali Cabdullahi | layloqaali60@hotmail.com Meheradda ama xirfadda ganacsiga ayaa ah midda ugu casrisan nolol maalmeedka Aadanahaha, markii loo fiiriyo marxaladda maanta, waayo, waxaa meel la isugu keenay adduunkii oo dhan, ayada oo loo adeegsanayo kaliya ganacsiga, waana taa midda ka dhigtay in lagu saleeyo inuu ka midyahay nolosha Aadanaha. Marka aan qeexno waxa loola jeedo GANACSIGA, waa; “In dadka laga iibiyo badeeco ama loo qabto adeeg si loo daboolo baahida bulshada”. Waxaan sidoo kale ku qeexi karna: “Gedis ama is waydaarsi badeeco ama adeeg dhex marayo laba qofood” Waxyaabaha ugu horreeyo ee loo bahanyahay marka la rabo in la abuuro ganacsi ama la howlgaliyo waxaa ka mid ah in la helo afar waxyaabod kuwas oo ah kuwa ka qeybqaato wax soo saarka ganacsiga ama adeegyada loo qabanayo bulshada waxa ayna kala yihiin: (1) Dhul. (2) Xoog. (3) Hanti iyo walibo (4) Xirfad. Kuwaas ayaa ah laf dhabarka ganacsiga, la’aanta mid ka mid ahna

ay adkaan karto sii socoshada ganacsiga, mid kastana waxa uu kaalin Libaax leh ka qaataa horumarinta ganacsiga iyo qancinta macaamiisha baahidoda. Waxa ay qeybtooda tahay amaba lagu qeexaa sidan: Hanti: waa sheyga kowaad ee ganacsiga ugu muhiimsan, waayo, hanti haddii aan la helin ganacsi ma suurogalayo in la galo ama la abuuro, waana sheyga saacidaya ganacsadaha kuna dhiirrigalinaya inuu la imaado fikir uu ku abuuran karo gancsi, kuna soo bandhigi karo badeeco ama adeeg, kaas oo uu isleyahay waad ku qancin kartaa bahida bulshada. Dhul: waa makaanka ama meesha ganacsiga uu saldhigan lahaa, dhul la’antiisna ganacsi ma suurto gali karo, waayo, waxa uu ka qeybqaadanaya soo bandhigista badeecada ama adeegga, waana meesha ama barta macaamiilka uu ugu hagaagayo marka uu u baahdo badeecada ama adeegga ganacsiga uu bixinayo si uu uga haqab baxo baahidiisa.

Xoog: waa dadka u huraya xooggooda in ay ku qabtaan shaqada, si looga haqabtiro bulshada baahida ay u qabaan badeecada ama adeegga ganacsiga ee uu hayo, iyaga oo u adeegayo macaamiisha kana saacidaya wax ka qabashada baahidooda iyo ku qancinta wax qabadka ganacsiga hadba inta looga baahdo. Xirfad: xirfaddu waa sheyga afraad ee asaaska u ah abuurista ganacsiga, waayo, waxa loo bahan yahay in la fahmo qaabka macaamilka loogu adeegayo, si loo qanciyo loona haqabtiro baahidisa. Xirfaddu waa midda u horseedda ganacsiga in uu si dhaqsa ah ku horumaro, iyada oo la adeegsanayo hadba xirfadda uu ku qanci karo macaamilka kuna horumari karo ganacsiga iyo kobaciisa. Guud ahaan ganacsiga ayaa ah mid maalinba maalinta ka danbeysa isi soo taraya, taas oo keeneya kobac dhaqaale, horumar uu gaaro guud ahaan waddanka iyo buuxinta baahida bulshada.


QORAALLADA WARGEYSKA

Jimco 01, agoosto 2014

Cadadka 017-aad, Sanadka 2-aad

5

DARUL-CULUUM PRINTING CENTER (DPC)

Waxey ku taallaa KM4, inta u dhaxeysa Hotel Sahafi International iyo Isgoyska Zobe, gaar ahaan Ex-Wasaaradii Beeraha. Kala xariir: Tel: 0615570589/0615174039 | Email: xog-doon@hotmail.com

BIDDOOD MOOS KU DUL BAROORTAY | Q2AAD W/D: Yuusuf Wayeel | wayeel@gmail.com Iska daa wax kale e, Morgankii Hargeysa baduugay (dadkeennii na xasuuqay)—aragtidaalkiisu waxa uu ii kedin lahaa gedda muusku ba, biddoodka saboolka ahaa, uu u kediyay! Hodan, Nuuralcaynaay, “Haddaad dhimato geeridu marbay nolosha dhaantaa e” (Salaan Carrabey: Maayn); walaalo bal ii soo sheeg: geeri iyo murugo, tee ba ayaa ta kaleeto, adiga kaala sii ba’an? Ii soo sheeg, sidee ba ayaad adigu na noqon lahayd, Gacalooy? Soomaalidu geed-muuska (geed-mooska) waa ay iga la sii wada weyn yihiin. Soomaalidu waa jiritaan kaygii. Haddii uu midkood rufo (dhinto), waxa aan u beelayaa, wax u dhigmiayaa: dalkii addoonku u daltabyooday oo kale; addoonka saboolka ahaa, u ma hiloobin mooska isaga ka hormuuqday e; waxa uu, u boholyoobay, u na buseylay waa xusuusta uu dib u soo geliyay maankiisa loo jebiyay sida neef dakaamo ahaa—fardaha, geela, dadka… iwm., waa la laylyaa, oo loo jarabaraa—si ay xooluhu heeryada u oggolaadaan, dadku na ay u midiidinsamaan (si ay u oggolaadaan addoonsiga). Ogoobey moosku, si kaleeto, yiddidiilo horleh, ayuu u lahaaday asii uusan isagu (addoonku) kala dooraan kari lahayn—dalkiisii hooyo, in uu dib ugu noqdo iyo in kale. Marka se uu wada beelo xasuus kasta oo ku saabsanayd dalkiisii hooyo—iyo nimco kasta oo kale ee lala xidhidhin karayay ba—iyo labaddartaadle,

dhalankiisii gobeed; allaylehe, waa gartii, waa na daaw; biddoodku, in uu mooska ku dul ooyo. Walow muus, uu moos uun yahay; haddana, geedka uu midiidinku (addoonku) arkayaa, allaylee, waa moos ah si gooni ah. Sidaas awgeed, ayuu mooskii na u noqon, muuqaal dhaxaltooyo qarameed oo idil ka soo haray. Ifka, shayga, shay oo idil ugu wada qaalisan. Shay aan anigu ku asteyn karayo uun: milgaha iyo sharaftida ay u yeesho qofka Aadamiga ah—GOBNIMADU. Soomaalida badankeedii, waxa madaxyadooda laga tirtiray: dadjacayl iyo daljacayl. WADDANINIMO. Moos kuu roon e, haddii hortooda la keeno: maalkii iyo macdantii dhulkoodii hooyo; laga ma yaabo, in ay ku qiiroon lahaayeen. Sweden, ta aad joogto, iyo Yurub oo idil ba, waxa ay gaaladu ku naaxeen: kalluunkii, xoolihii, iyo “dhaxalka iyo dooggiyo dhoobadiyo cammuud[dii]” (Maradoon: Waqti) Soomaaliyeed; iyada oo ay Soomaalidii na, mindhaa, ku wada dhex silicsan tahay xeeryo qaxooti, gude iyo dibad ba. Soomaalida iyo bal is barbardhig, addoonka ku qiirooday aragtidaalka geed moos; moos weliba laga yaabo, in uu ahaa mid aan dalkiisa ba, laga ba soo xadin. Bal mar kale na, isu eeg, hadba dhallinyarada Soomaaliyeed, ee uu suudalku dilooday; tahriibka na, weli ba lamadegaan iyo baaxadsoore badweyn, ay nafahooda ugu biimeynayaan—si dhalasho dhalanteed ah ay u qaataan, mayee, si ay jinsiyaddoodii u dooriyaan,

Saamaynta maamulka ku leeyahay qaybaha nolosha | Q1aad W/Q: Maxamed Axmed Xaashi (Teeleeye) | teeleeye@hotmail.com Maqaalkan waxaan ku qaadaadhigi doonnaa maamulka iyo sida uu u saameeyo dhammaan nolosha bini aadamka, wuxuuna ka koobnaa doonaa saddex qodob, oo kala ah: 1- Masuuliyadda saaran maamulaha. 2- Xikmadda ah “U dooro qofka wanaagsan meesha ku wanaagsan”. 3- Fiirada wanaaga ama indheergaradnimada looga baahan yahay maamulaha. 1- Masuuliyadda saran mamaulaha, darajaduu rabo ha ahaadee. Geed walbaa xaabada hoostaal ayaa gubta, oo aan kala jeedo, qof walba masuuliyad ayaa saaran, ha ka saarnaato naftiisa, qoyskiisa, amaba umad kale oo uu hoggamiyo. Tusaale, maalkaagu waa masuuliyad adiga ku saaran tabciddiisa iyo ilaalinta meesha uu ku baxayo intaba, waayoo suuragal ma ahan in aad tabacdo, haddana, aad masuuliyaddiisa laheyn. Masuuliyadda qoyskaaga kaa saaran waxaan ku soo koobi karnaa: ahalkaaga iyo naftaadaba waa in aad ka ilaalisaa naar. Maamulaha qofka ahna waxaa looga baahan yahay mar kasta in uu talada koobaad Allaah saarto tan labaadna uu latashiyo sameeyo, oo loo baahan yahay talada qof ku munaasab ah in

laga la tashto. Isku soo duuboo waa in tala walbaa qofka mudan loo daayaa. Meelahaan markan ka hadlaayo waxaan soo xasuustaa hadalladii Cawrala Cilmi Qurac Haddan shayb talada loo dayn Shugle naaga laga qaban Oon shanshada hilibka loo badin Oon Shiikh durista laga dayn Oo shar ninkeeda lagu gubin Adduun shay ba’ay ka soo qaad! Maanta waxad arkeysaa dadkii umadda samatabixin lahaa inta laga hor istaagay ayaa waxaa amarkii loo tiirshay dadkii haddii tallada loo dhiibo shey ba’ay halaga soo qaado ay dhahday maamadaas xikmadda badan. Marka maamulaha waxaa laga rabaa darajaduu rabo ha ahaadee in uu mar walba ahaado tala ku noolle, balse, maanta dunida aan joogno waxaad mooddaa qofka haddii laba qof masuul looga dhigo in uu yahay kan umada ugu kheyr badan. Waayo maanta waxaa la marayaa waqti qofkii fiicnaa la xagal daacinaayo, kii xumaa oo umada fidnada iyo dhibaatada ku hogaminayana ayaa loo doorayaa.

iyada oo hal dhaafiye (Cad Waraaq ah Uun) dhaafsanayo—dhulkoodii hooyo iyo dhalyodoodii Soomaalinnimo. Dhegxumo weynaa! Tolow, Yaa inoo Maqan? MURTIDA DHAMBAALKA Maxay iigu kala duwan yihiin biddoodka isaga ah, iyo Soomaalida “qabyaaladdu ay dalkoodii dumisay”? Addoonku, isagu, is kiisa u ma aan uu iman dal Faranji, oo waa boojimo la soo raafay; Soomaalidu se, iyaga, ayaa is gummeeyay—gobnimadoodii na ku doorsanayo gunnimo. Dhibic. F.G. Si kale, waxa aan ogsoon ahay in aad tahay Marwo qab Soomaaliyeed leh, taas oo aan laga yaabeyn, mar na ba, laga filineyn, GOBNIMADA “dadkeeda iyo dalkeeda” in ay siisaneyso “halad beeso ah”; oo caydh la qaataa na, waxa ila tahay, in agtaada—ay ka tahay duuf. Ilaahay ha inoo kaa daayo, adiga ilmahaaga na ha isu kiin wada daayo. Cimri iyo caafimad waara, Eebbhay ha idin wada siiyo. Aamiin. Intaas aan kuu raaciyo qoraal, caawa fiidhoraadkii, la ii soo diray. Aqoonyahan Soomaaliyeed, Faysal Rooble, ayaa qoray. Marka hore cirka iyo caaddaas intuu ku geeyo, oo Soomaali ku jecleysiiyo, ayuu haddana, isla jeer ahaa na, madaxa dhiiqada ku dari. Aqriso goortii aad waqti u heshid: Muuqaal iyo Maqal: Qaran Jabka Soomaaliyeed.

WARGELIN! MA TAHAY GABYAA? AMA QORAA JECEL INUU MAQAALLO KU QORO WARGEYS? WARGEYSKA GOBOLLADA DHEXE WAXA UU FURSAD KUU SIINAYAA INAAN GABAYGAAGA, MAQAALKAAGA IWM. KUUGU DAABACNO WARGEYSKA. KU SOO DIR QORAALKAAGA AMA GABAYGAAGA CIWAANKA w.g.dhexe@gmail.com 2- Xikmadda ah “U dooro qofka wanaagsan meesha ku wanaagsan”. Maamulka wanaagsan sida guudba waa wax Islaamka laga soo gaaray, oo uu sugay in kastoo noolaha.. La soco qeybta 2aad ee qormadan.


6

Cadadka 017-aad, Sanadka 2-aad

DHEERAAD

Jimco 01, agoosto 2014

ERAYADII HAL ABUURKA IYO GEERIDII C/QAADIR AROMA Gabayga: Codkar tagay Geeridu waa xaq, naf walbaana maalinteed ayey leedahay, mana dhaafto goorta loogu talagalay, oo waa la wada geeriyoonayaa. Waxaa tacsi u dirayaa hal abuurka iyo bahda qalinleyda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan ehellada iyo qaraabada uu ka geeriyooday Alle ha u naxariiste Cabdiqaadir Cusmaan Maxamuud “Aromo”, Allaw naxariistaada iyi Jannaadaada ugu deeq. Aamiin. Gabayga: Codkar tagay Caynka gabayga, Geeraar cuddoon, Tixo calaameysan Casharkii murtidu ay lahayd, Caarif lagu sheego Guuroow cirkaa gaara iyo, Carafta Suugaanta Carrabkiyo qalbiga laga curshoo, Ceebba laga dhawro Bashiiroow adaa cugan jiroo, Caalim ku ahaaye Adigaa Ciraabtiis yiqiin, Caynka iyo waawe Bal aan curiyo maantoo kaluu, Ciil bax leeyahaye Warka caadka laga soo dirayo, Maqalka ceeryoomey Cadceedkii adduunyada ka tegay, Ciribta uu reebay Cabdulqaadir baan doonayaa, Inaan caddeeyaaye Oo aan Calaamado ku dhigo, Caynka uu yahaye Cirkoow dhugo, Dhulkoow cuura oo Maqal Codkaan sheego. Cabdulqaadir caan buu ahaa, caaqil dunidaane Caarad iyo ciryeer buu ahaa, foolhoraad culuse Codkar caalamiin buu ahaa, oo caafimaad dhiga’e Cilmi bixiye guud buu ahaa, iyo curiye suugaane Cabiriyo caynaanshuu ahaa, cirirka taariiiqe Caawiye dadweynuu ahaa, oo calool furane Soomaali cudurrada ku dhacay, ee sababay ciirciirka Intii calaf ku bixisiyo intii, cudud ku taageertay Cunsurtiyo cadaawihii colcolay, ee caddibay waayo Caada qaatayaashiyo kuwii, uu cawaansanayey Wixii ay cillado suubbiyeen, caabuq iyo yaabba Qoraa caarifaayuu ahaa, camal-

ladoodiiye Cawarkiyo cayayaanka iyo, caandihiyo caaqa Ninba caynadduu yahay ayuu, noo caddeeyn jiraye Caqiidida Islaamkiyo sharcina, kama cilaalnayne Caalim culimmo diin buu ahaa, sida cadiinkaaye Caynleeyna kuma koobi karo, caado sharafkiise Ha yeeshee inuu na cawinaan, cidina diideeyne. Naf walibaa caweey leedihiyo, cishe la qaadaaye Waqti loo cayimay baa jiroo, cidana dhaafeeyne Qof kastana intuu cuni iyo intii uu cimriga joogi Looxaa lagu calaamaday mar hore, hooyo oon curane Mar haddiise Cabdulqaadir go’ay, oo ay ka carceertay Bashiiroow codeyn duco ayaan, u curdinaayaaye CASIISKII ILAAHAY ISAGU, haw cayimo qaayre Haw cafiyo cinqaabiha dambiga, hana caddaan nursho Canyayuub qabrigu kuma dhogo, iyo bayd ciriiriya’e Cida Buun Qiyaamaha markii, cararaqdii yeerto Oo ciidda laga soo baxee, ruux la soo celiyo Banka ciiro maantaas naflaha, lagu camaajiiro Oo cawra dedan aysan jirin, cidina eegeeynin Oo cashiiro laga cararayiyo, curad carruurtaa ah Cadceeddana dhakada la cuskiyee, meel dhow lagu caynsho Ciriddiyo kulaykuna markaas, uu jirka camiimo Cududdahana dhidid caariyee, camanka sii dhaafo Qofba casharradiisii markii, loogu soo celiyo Caawriirka maantaas cabsida, la isla ciirciiro Carshigii ALLAAH kii harsada, caaqiloow noqo’e Cadaabkiina ILAAH kuguma rido, iyo naar casaarada’e Jannadii carfoonayd cagaha CAADIL kuu geliye La cayaar caruus Xuuralcayn, midab casaanleeye. Dhammaad 16/07/2014 Maxamed Xuseen Faarax Maansada: Eebbe tuug

Waxaan leeyahay Ilaahay ha u naxariisto Marxuum, Cabdulqaadir Cusmaan “ Aroma”. Wuxuu ahaa, Sooyaal haye, Qoraa, Hal abuur geyiga Soomaaliyeed ka caan ah, kana tegay dhaxal wanaagsan oo loogu aayo. Ilaahayo u naxariiso Jannatul Fardowsana ka waraabi, ehlladiisana samir iyo iimaan ha ka sii iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed. Aaamiin Aaamiin Aaamiin. Alifkiyo higgaaddeed Ableynteeda Suugaan Dhaqankiyo Alooskii Hiddihiyo Arrimintiis Arrin iyo dhigaalkii Uruuriyaha Sheekada Ab waxaan lahayniyo Isirkeena Soomaal Aromuu ahaayoo Isagaa Aslaayoo Ku asteeyey qalinkoo Ubadkana u reebaye Abaal baan u haynnaa Abid lama ilaawaan. Adduunya iyo xaalkeed Ifka laguma waaro Ayaaneey ahaataba Dadka amar Ilaahbaa Ajashoo dhammaataa Lagu Oofsadaayoo Haduu Aroma iil galay Aqalkii rumaad tegay Eebboow Ugbaadiyo Irridaha Jannada iyo Idhamada Fardawsan Allow kaaga tuugnee Aqbal ducada Eebboow Allow naga ajiiboo Iftiinkeeda Rowdiyo Ilaahay Jannada gee Ilaahaw jannada gee Dhammaad 16/07/2014 Waxaa diyaariyey Cabdiraxiin Hilowle Galayr Dhimashadu xaq weeyeen Ninna dheeri noloshiyo Intuu dheeceen ku leeyahay Cidna dhaafin maysoo Dhaddig iyo laboodkuba Xuduudkii na loo dhigayo Ajal baa u dhigan iyo Wakhti uusan dhaafayn Waxaase laysku dheer yahay Nin maalin wuxu dhigay Dhaxal inooga tagayoo Sooyaalka soo dhigan

Dhasha dunida wali iman Taariikhda ugu dhigay Laga dheefay waayaha Dadku wada dhageystaan Boqol sano wixii dhacay Loox laga dhigtaa iyo Darsi ummada uga dhigan Ama boqolkaas la dhaafiyo U dhuuxeen inuu yahay. Dhamamad. 17/07/2014 Ibrahim Abdi Geele Maansada: Caloolyoow Naf walba maalinteed ayey go’aysaa, goorteeda gallin kama dama marto, oo waa la wada geeriyoonayaa, haddana, la ye; “Geeriye, Geeljire iyo waxay ku roon tahay qof aadan aqoon”. Waxaa tacsi tiiraanyo leh u dirayaa hal abuurka iyo bahda qalinleyda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan ehellada, xigtada iyo qaraabada uu ka baxay Alle ha u naxariiste Cabdiqaadir Cusmaan Maxamuud “Aromo”, oo run agaantii geeridiisu ii ahayd NAXDIN, umaddana u ah nuxuus iyo nal ifkii baqtiyey, qorrax dhacday, gabbal dumay iyo dayax damay. Allaw naxariistaada iyi Jannaadaada ugu deeq. Aamiin. Haddaba, anoo dareenku i dikaamayo, ayaan eraydan yar dareershay, ee dibnaha ila marsho, idinkoo mahadsan. Maansada: Caloolyoow Cadceeddii timaaddaba Carra edeg warbaa jira Cibro iyo cibaaro leh Caro iyo xanuun iyo Ima haayo ciiloo Waxa ani catowgiyo Caloolyowga igu ridey Iyo Calowga maanta ah Aan kuu ciraabshoo Kuu cabbiro warkaygee Cimrigii jiryoow maqal Galayroow codkaygaan. Anigoo carraabo ah Safaroo cagtana furay Cirka haadda lalaysiyo Ceeryaamo guudkeed Ayuun baa la ii ciyey War cillanina ii yimid. Cadceeddii baxaysiyo Dayaxii caddaa iyo


Jimco 01, agoosto 2014 Xiddiggii cirjiirkiyo Ifin jirey carrada idil Ayaa caawa damayoo Cabdiqaadir waa tagay! Is canaanan maaynnee Cashadii timaaddaba Waa duniyo camalkeed Cimri baynu leennahay Cabbir go’an ayaamoo Caadilbaa xaddidayoo Cidna dhaafi maysee Aan kuu ciraabshoo Kuu cabiro warkaygee Cimrigii jiryoow maqal Cabdiqaadir muu dhiman Hadduu ciidda hoos galay La carrowshay maantaba Cabsi iyo ma galin baqo!

DHEERAAD Carradeenna yaalloo Aan kuu ciraabshoo Kuu cabiro warkaygee Tiirkii colaaddiyo Cadawgiyo gumaystaha Iyo cirib tirkoodii Waxii caado soo jirey Haddimadiyo caddaanke Soomaali la calfiyey Sababihii cilaaqdiyo Nagu beeray caabuqa Taangiga cid Xabasheed Qoraannimu ku caan baxay.

Caarshigii Ilaah iyo Cindigiisa Eebbaa Loo celiyey ruuxdee Cabdiqaadir muu bixin Codkarkiina maw tagin.

Taariikhda calowgiyo Taladaa curyaanka ah Caanyuunka laga dhigay Cillad bixiyeheediyo Wuxuu ahaa midkii culay Kana saaray cudurkii Umaddana ku caawiyey Ku casuumay sooyaal Iyo xaajo curadoo Laga dhawray ciif iyo Caro iyo walaahoow.

Buugaag cuddoon iyo Cilmi iyo aqoonliyo Sooyaallo caanoo Cimir tahay aqoonto

Aan kuu Ciraabshoo Kuu cabiro warkaygee Colaaddoo la diidiyo Dagaalkoo la celiyiyo

Cadadka 017-aad, Sanadka 2-aad

Colka oo la joojiyo Nabad buu ku caan baxay.

Cilmi doonka loo dhigo Bare buu ku caan baxay.

Caqli iyo aqoon iyo Cilmi iyo ogaal iyo Curin iyo garaad iyo Qalinkuu ku caan baxay!

Ilaahoow casiisow Adaan kuu cataabaye Kuu cabanayaa kali Casar weeye goortuye Waa ayaamo caamiyo Casharada dhaxaysee Bisheennii cuddooneey Ramadaanul caafiya Cabdiqaadir Eebboow Aqbal camalka kiisa ah Cafi qalad hadduu galay Jannadaada ku casuun Nabiyadii carfoonaa Casiisow darkoodii Iyo xawdka ka cabsii Ceelashii Fardawsiyo Wabiyadii cagaarnaa Rabbiyoow Casiisoow Carfigooda nagi gee.

Aan kuu ciraabshoo Kuu cabiro warkaygee Miskiinkoo la caawiyo Loo fidiyoo cudud iyo Agoontoo la ciiltiro Samuhuu ku caan baxay. Dulmigoo la ciribtiro Xumahoo la caasiyo Cadligoo la dhawriyo Sinnaan buu ku caan baxay. Carradiyo dhulkeenniyo Cidda uu difaaciyo Halgan buu ku caan baxay. Dhaqankiyo ciyaaraha Hiddahiyo caadada In la caynsho buu rabay La caymiyo wixii haray Loo dhigo carruurtoo Caammada la bara’oo

Aamiin. Dhammaad. 16/07/2014 Bashiir M. Xersi brdiraac@hotmail.com

* Waxaan kuu sameyneynaa xayaysiin saddax bilood dhan oo hal bil ay bilaash tahay.

7


SIDEE LOOGA HORTAGI KARAA KOLERA? W/Q: Maxmed Cali Axmed | Cali_640@hotmail.com Waa in la hormariyaa lana taabba galiyaa lagana shaqeysiyaa barnaamijka caalamiga ah, ee lagu ilaaliyo dhammaan cudurrada shubanka keena. Arrimahan soo socda waxaa salka u dhigay DHO, kaas oo ay ugu tala gashay sido looga gaarheyn lahaa cudurka koleeraha: 1. In la xaqiijiyo waxa keenay koleraha, taas oo muhiim u ah in la ogaado sida fudud ee looga hortagi karo bakteeriyada qaaska ah ee keentay. 2. Koleraha waa cudur muhiim u ah in la wargaliyo MCH-yada wasaaradda caafimaadka, hay’adda caafimaadka adduunka iyo dhammaan shaqalaha caafimaadka, gaar ahaan kuwa aadka ula xiriira bushada sida: shaqaalaha caafimaadka ee bulshada. 3. Xaaladdan oo kale waxay bulshada ku dhalin karta in ay awood u helaan bilaabidda daweynteeda. Xaaladaha in aad deg deg

ku heshaa waxay kaa caawinaysaa inaad ogaatid heerka uu ku fiday bulshada dhaxdeeda. 4. Qiyaasaha fayadhowrka: b) Ilaalinta biyaha: biyaha waa meesha ugu muhiimsan ee uu ku gudbi karo koleeraha. Marka waxaa muhiim ah biyaha bulshada la siinayo in ay ahaadaan nadiif. Waxay u badan tahay inay biyaha wasaqaysan isticmaalaan dadka danyarta ah, taasoo u saamaxeynin inay helaan biyo nadiif ah, sidaas darted koleraha waxaa la dhahaa wuxuu ku badan yahay dadka dan yarta ah, waxaana waajib ah dadkaas inay helaan biyo nadiif ah, si ay uga badbadaan cudurka koleeraha. t) Ilaalinta saxarada: waa muhiim in saxarada la geeyo meelaha loogu talagalay sida musqulaha IWM, si loo dhowro caafimaadka. Marka uu koleeraha bulashada dhaxdeeda ka soo ifbaxo waxaa loo bahan yahay in loo fududeeyo sidii bulshada u gaari karto caafimaad dhowrsan. Taas oo la raacinayo

farriimo wacyigalin ah oo lagu boorrinayo dadka in aysan ku saxaroon meelaha ay ka dhow yihiin biyaha iyo beeraha, islamarkaana muhiim tahay inay gacmaha ku dhaqaan markasta oo ay saxarodaan saabbuun. j) Fayadhowrka cuntada: cuntada waa tan ugu muhiimsan ee suuragal ay tahay in laga helo jeermiska keena shubanka, sidaas darteed waxaa muhiim ah inaad xaqiijiso fayadhowrka caafimaad qabka cuntadaada. Waxaana muhim ah cunitaanka cunta kulul iyo nadaafadda dadka ka shaqeeya cunta karinta. Alaabta cuntada aad ku cuntaa waa inaad dhaqdaa walibana qallajisaa kadib markaad isticmaasho. 5. Wacyigalinta bulshada waxay ka qaadataa kaalin muhiim ah, taas oo u sheegta bulshada qataraha ka iman kara cudurkaas. Wixii Su’aalo iyo talo weydiin ah ku soo hagaaji: cali_640@hotmail.com

IID WANAAGSAN Nagala soco: www.facebook.com/w.g.dhexe ama ciwaankeenna Twitter-ka @GobolladaDhexe


Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.